The True Agenda of the Rulers of Kismayo,Jubba Regions.Wait and see.


Wareegto kasoo baxday Xafiiska hoggaamiyaha Jubba oo lagu magacaabay Ciidamo la Wareegaya Amniga Kismaayo [SAWIRRO]



Khamiis, December 05, 2013(HOL) :- Xilli mudooyinkii u danbeeyay ay magaalada Kismaayo ka dhacayeen falal liddi ku ah ammaanka, ayaa wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweeynaha maamulka Jubba Sheekh Axmed Max'ed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa lagu amray guutada 94-aad ee ciidamada maamulka in maanta wixii ka danbeeyay ay masuul ka yihiin amniga magaalada Kismaayo. Wareegtadan ayaa waxa warbaahinta u aqriyay Jen. Cabdi Madoobe oo kamid ah saraakiisha maamulka Jubba, wuxuuna kula dardaarmay ciidamada iyo saraakiishooda in ay sugaan amniga magaalada, isalamrkaana ay ka hortagaan wax walba oo dhibaato u keeni kara shacabka iyo hantidooda.

"Maanta wixii ka danbeeyo adinka ayaa masuul ka ah ammanka magaalada Kismaayo, waxaa la idinka doonayaan in cadowga iyo naftiinaba aad ka ilaalisaan hantida shacabka, waxaa la doonayaa in aad tallaabo ka qaadaan cid walba oo aad u aragtaan in ay qatar ku tahay nabadgelyada," ayuu masuulkan hadalkiisii raaciyay.
Jen. Cabdi Madoobe ayaa dhinaca kale sheegay in maanta wixii ka danbeeyo aan la arki karin askari hub ku dhex wata Kismaayo oo aan ka ahayn ciidamadan cusub ee loo xilsaaray ammaanka, wuxuuna amar ku siiyaan saraakiisha ciidamadan in ay gacanta kusoo dhigaan askarigii ay arkaan isagoo hub sharci darro ah ku dhex wata magaalada.
Sidoo kale goobta waxaa ka hadlay Mustaf Cabdi Sheekh Cali oo kamid ah saraakiisha nabadsugidda maamulka Jubba, wuxuuna xusay in ay soo dhaweynayaan ciidamadan cusub ee la wareegi doona ammaanka islamarkaana ay la shaqeyn doonaan, wuxuuna ugu baaqay shacabka in ay gacan ku siiyaan ilaalinta nabadgelyada.

Digreetadan kasoo baxday xafiiska madaxweeynaha maamulka Jubba ayaa kusoo beegmeysa xilli xarunta madaxtooyada Kismaayo ay ka soconayaan shirar iyo tashiyo ku aadan guddi fulin oo lagu wado in hogaamiyaha maamulka Jubba uu dhawaan ku dhawaaqo, kuwaasoo sii wadi doona howlaha maamulka inta laga dhameystirayo golayaasha ka dhiman maamulka.


Xasan Nuur, Hiiraan Onlinehnur@hiiraan.com
Kismaayo-Soomaaliya.


 Here in this document you will see how the So- called Agreement of Addis-Ababa between the Somali Federal government and the regional Authority of Jubba regions being misinterpreted by the so- called Ruler of Kismayo.By Law there is not any Authority called Jubbaland and there is not any President of that regions only a Chairman as stated in the now infamous Agreement..From this document you can see the true Colors of Mr. Ahemd Madobe and the real Agenda they have for the Jubba regions. Personally I wrote before in my blog how this agreement was a" game" of the Tigre Regime of ETHIOPIA and their associate IGAD countries to subdivide and control at the end the OIL and GAS of the JUBBA regions of Somalia..Wait and see.

No comments:

Post a Comment

#Somalia: WHY Dr abiy AHMED WENT TO MOGADISHU? FOR OIL & GAS...

#Somalia: WHY Dr abiy AHMED WENT TO MOGADISHU? FOR OIL & GAS... : INTRODUCTION:            On 16 June MR. Abiy  Ahmed PM of Ethiopia ...